Qoorqoor oo la kulmay Waalidka askari ka hortagay weerar is miidaamin ah

Sep 24 (Jowhar.com)-Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa booqday gurigii uu ka baxay Mujaahid Axmed Fiiqane Shiikh Maxamuud oo ahaa halyeey geesi ah oo ka hor tagay naftii hallige doonayay inuu isku qarxiyo Madaxweynaha iyo wafdi la socday deegaanka laasgacaneey.

Madaxweynaha ayaa labada waalid ee dhalay mujaahid Axmed Fiiqane uga mahadceliyay geesinninamada ay ku barbaariyeen wiilkooda, isagoo Eebbe uga baryay inuu ku irsaaqo naxariistiisa.

Booqashada Madaxweynaha waxaa qeyb ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Dowlad goboleedka Galmudug Cali Daahir ciid iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Nuur Gacal.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More