Aug 13 (Jowhar)- Qaybo ka mid ah dunida ayaa la kulmay qorrax-madoobaadkii ugu yaabka badnaa ee soo mara muddo lagu qiyaasay 30 sano, iyadoo la rumaysan yahay in malaayiin qof ay daawadeen dhacdadan oo jiilkiiba mar soo marta.
Qorrax-madoobaadkan ayaa dadkii arakay qolaba si ula muuqday, taas oo ku xirnayd hadba meesha la joogey. Dadka UK ee ka daawanayay dhacdadan naadirka ah waxay arkeen qorrax-madoobaad barbar ah, xilligaas oo in ka badan 90% qorraxda uu dayaxu daboolay.
Laakiin qaybo ka mid ah Greenland, Iceland iyo Spain ayaa la kulmay qorrax-madoobaad buuxa, kaas oo dayaxu si buuxda u u hareeyey qorraxda. Malaayiin qof oo dunida dacalladeeda ku nool ayaa Arbacadii cirka eegay.
Qorrax-madoobaadku wuxuu ka dhacay qaybo ka mid ah Waqooyiga Afrika, iyo sidoo kale Spain, Iceland, Greenland iyo waqooyiga Ruushka. Dhanka kale, inta badan Yurub, Afrika iyo meelo kale oo dunida ka mid ah waxaa laga arkay qorrax-madoobaad qayb ahaan ah.
Dadweyne ayaa meelo kala duwan isugu yimid si ay u daawadaan dhacdadan naadirka ah, iyadoo qaar badan ay xirnaayeen ookiyaalo gaar ah oo loogu talagalay daawashada qorrax-madoobaadka, xilli Dayaxu si tartiib ah u daboolayay Qorraxda.
Dhacdadan waxay si gaar ah muhiim ugu ahayd Yurub, maadaama ay ahayd markii ugu horreysay tan iyo 1999-kii ee qorrax-madoobaad buuxa laga arko qaaradda.
Spain, qorrax-madoobaadka buuxa wuxuu dhacay wax yar ka hor qorrax-dhaca, taas oo goobjoogayaashu ku tilmaameen mid aan caadi ahayn.





