Qudbad Jeedinta Musharaxiinta Aqalka Sare oo ka bilaabatay Garowe

Musharixiinta Aqalka sare ee Puntland ayaa bilaabay inay qudbadahooda u jeediyaan xildhibaanada baarlamaanka Puntland.

22 Musharax ayaa ku tartamaya 11 kursi ee aqalka sare ku leedahay Puntland, waxaana Xildhibaannada Golaha Wakiilada Puntland u codeeynayaan musharixiinta Aqalka Sare.

Musharixiinta Aqalka Sare ayaa waxaa ka mid ah xubno uga mid ahaa golaha wasiirada Puntland iyo Gudoomiyaha Gobolka Bari iyo sidoo kale Madaxweynihii hore ee Puntland Sanoter Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud Faroole.
Qudbad jeedinta kadib ayaa waxaa xildhibaanada bilaabi doonaan inay u codeeyaan musharaxiinta u tartamaysa kuraasta Aqalka Sare.

Ammaanka Magaalada Garowoe ayaa aad loo adkeeyay, waxaana wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Xarunta Baarlamaanka Puntland ee Magaalada Garoowe lagu arkayaa Ciidamo farabadan oo amniga xaqiijinaya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More