Rag dil iyo dhaawac ka geystay Gaalkacyo oo gacanta lagu soo dhigay

May 21 (Jowhar.com)- Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in gacanta lagu soo dhigay qaar kamid ah rag shalay koofurta Gaalkacyo oo ay ka arrimiso Galmudug ka geystay weerar sababay dhimasho iyo dhaawac.

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug Cali Muuse Maxamuud ayaa warbaahinta u sheegay iney hayaan qaar kamid ah ragii ka danbeeyay rasaas Jimcihii lala dhacay gaari marayay Gaalkacyo, iyadoo sidoo kale lagu raad joogo kooxihii kale ee falkaasi ku lugta lahaa ee gacanta laamaha amaanka wali ka maqan.

Waxa uu taliyuhu sheegay iney talaabo adag oo dhinaca sharciga ah ay ku qaadi doonaan kooxaha falkaasi ka danbeeyay, isagoo digniin adag u diray dhalinyarada ku lugta leh maleegida falal noocaas oo kale ah.

Si kastaba, rasaasta la huwiyay gaariga ay dadka shacabka ah saarnaayeen ayaa sababay dhimashada 2 qof iyo dhaawaca qof kale, iyadoo aan la ogeyn sababta rasmiga ah ee ragan ku qaaday iney sameeyaan falkaasi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More