Ra’iisal wasaaraha Japan Kishida oo lagu weeraray bam qiiq ah
Apr. 15 (Jowhar.com)-Ra’iisul Wasaaraha Japan Fumio Kishida ayaa si deg deg ah looga soo saaray goob fagaare ah, ka dib markii wax u muuqday bam qiiq ah lagu soo tuuray.
Nin ayaa lagu xiray goobta uu falka ka dhacay ee Wakayama, halkaasoo Mr Kishida lagu waday inuu khudbad ka jeediyo, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.
Qof goobjooge ah ayaa sheegay in ay arkeen qof wax tuuraya, kadibna uu qiiq ka baxay, halka mid kalena uu sheegay in ay maqleen jug weyn,hase yeeshee wax dhaawac ah lama soo sheegin.
Nin magaciisa lagu sheegey Ryuji Kimura oo 24 jir ah loo xirey weerarka bamka qiiqa. Warbaahinta Japan, NHK, ayaa ka soo xigatay Mr Kishida in uu yiri;
“Qarax xooggan ayaa ka dhacay goobta. Booliska ayaa baaraya faahfaahinta, laakiin waxaan jeclaan lahaa inaan raaligelin ka bixiyo walaaca dad badan”.
NHK ayaa baahisay muuqaal ay dad badan u muuqdaan inay ka cararayaan goobta. Muuqaalka ayaa sidoo kale muujinaya dad ku xoonsan hal nin, oo hoos u dhigaya, ka dibna kaxeynaya.
Dhacdada ka dib, Mr Kishida ayaa la hadlay dad isugu soo baxay goob kale, wuxuuna sheegay in dhacdadu aysan ahayn in ay carqaladeyso hanaanka doorashada.
Weerarada rabshadaha wata ayaa aad ugu yar dalka Japan. Laakin waxaa jirta walaac dhanka ammaanka ah oo ku xeeran siyaasiyiinta, kadib markii Ra’iisul Wasaarihii hore Shinzo Abe la toogtay isagoo ku guda jira ololaha doorashada sanadkii hore.