Ra’iisal wasaare Xamse oo Khudbad ka jeediyey madasha shir madaxeedka Daaresalaam
July. 26 (Jowhar.com)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo hadal ka jeediyay maanta shir madaxeedka Afrika ee horumarinta awoodda Aadanaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ahmiyad gaar ah siisay arrinta mowduuca shirka, oo ay si xooggan u maalgelisay waxbarashada dalka.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in iyadoo ay jiraan caqabado dhawr ah oo ku horgudban waxbarashada Soomaaliya, haddana ay xukuumaddu ku guuleysatay inay qorto 3000 oo macallin cusub ah, isla markaana ay kor u qaadday tayada waxbarashada dalka.
Xubnaha wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Waxbrashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim iyo masuuuliyiin kale.
Wafdiga uu horkacayo Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sidoo kale intii ay ku sugnaayeen dalka Tansania waxa uu la kulmay qaar kamid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.