Dec 29(Jowhar)-Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa gaaray dalka Mareykanka, gaar ahaan gobolka Florida, halkaas oo uu kula kulmi doono Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Booqashadan ayaa noqoneysa tiii shanaad ee Netanyahu ku tago Mareykanka muddo 10 bilood gudaheed ah, tan iyo markii Donald Trump dib ugu soo laabtay hoggaanka Mareykanka.
Ilo-wareedyo ku dhow safarka Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa sheegaya in kulanka uu diiradda saari doono arrimo ay ka mid yihiin xiriirka istiraatiijiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil, xaaladda Bariga Dhexe, iyo arrimo amni oo xasaasi ah.
Booqashada Netanyahu ee Mareykanka ayaa ku soo beegmeysa xilli xasaasi ah, kadib markii Israa’iil ay si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland, tallaabadaas oo dhalisay hadal-hayn ballaaran gudaha Soomaaliya iyo caalamkaba.
Go’aanka Israa’iil ee aqoonsiga Somaliland ayaa si weyn uga careysiiyay dowladda federaalka Soomaaliya, halka dhinacyo kale ay ku tilmaameen arrin beddeli karta isku dheelitirka siyaasadeed ee Geeska Afrika.










