Ra’iisul wasaaraha Qatar oo fal argagixiso ku tilmaamay weerarkii Israel

0
71

Sep 10(Jowhar)-Raysalwasaaraha dalka Qatar ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani ayaa shaaca ka qaaday in Qatar ay la kulantay weerar “khiyaano ah” oo Israel ay ku kacday, kaasi oo keliya lagu tilmaami karo “argagixiso-qarameed”.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Dooxa, ayaa Al Thani waxa uu carabka ku adkeeyay in dalkiisa aanu u dulqaadan doonin wax kasta oo lagu xad-gudbayo madax-banaanidiisa dhuleed, uuna si adag uga hortagi doono wax kasta oo khatar ku ah amnigiisa.

Wuxuu xaqiijiyay in Qatar ay xaq u leedahay in ay ka jawaabto “weerar furan” ayna qaadi doonto dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay uga hortagto.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in Maraykanka uu ku wargeliyay Qatar weerarka toban daqiiqo kaddib markii uu dhacay, isagoo xusay in Israa’iil ay adeegsatay hub aanu qaban Raadaarka.

Waxa uu ku tilmaamay waxa dhacay in uu yahay “isku day lagu doonayo in lagu khalkhal geliyo amniga iyo xasiloonida gobolka”, isaga oo intaa ku daray in “Raysalwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu gobolka u horseedayo heer aan laga soo laaban karin.”