Ra’iisul wasaaraha Sweden ayaa ku baaqay in si wanaagsan loo xakameeyo xuduudaha kadib weerarkii Brussels.

Ra’iisul wasaaraha Sweden Ulf Kristersson ayaa ku baaqay in la wanaajiyo xakameynta xuduudaha Sweden iyo Midowga Yurub, wuxuuna xoojiyay awooda booliska, shir jaraa’id oo uu qabtay ka dib weerarkii argagixisanimo ee Isniintii lagu qaaday taageerayaasha kubada cagta Sweden ee Brussels.

“Sweden iyo Midowga Yurub waxay u baahan yihiin in si wanaagsan loo xakameeyo xuduudaheenna,” ayuu yidhi, isagoo daaha ka qaaday in qofka looga shakisan yahay inuu ka dambeeyay weerarkii Brussels habeenkii Isniinta, kaasoo ay ku dhinteen laba qof iyo mid dhaawac halis ah, uu “si joogto ah u tegi jiray Sweden”.

Dembiilaha oo magaciisa lagu sheegay Abdesalem Lassoued, warbaahinta Belgian, ayaa magangalyo ka codsaday Belgium, waa la diiday, ka dibna waxa uu ku sugnaa dalka.

“Waxaan u baahanahay inaan ogaano cidda ku sugan Sweden, oo aan ogaano inay si sharci ah ku joogaan Sweden, haddii aysan halkan ku joogin si sharci ah waa inay dalka ka baxaan.”

Kristersson ayaa sidoo kale ku baaqay in la kordhiyo awooda booliska iyo nabadsugida Sweden si ay uga hortagaan khataraha ku wajahan Sweden.

Fredrik Hallström, oo ah madaxa hawlgallada ee hay’adda nabadsugidda Sweden (Säpo) ayaa xaqiijiyay galabnimadii Talaadada in Lassoued uu “Iswiidhan ku sugnaa muddo gaaban ku dhawaad toban sano ka hor,” iyo in laga yaabo in uu isticmaalay aqoonsiyo kala duwan markii uu u safrayay Yurub iyo meelo kale.

Kristersson ayaa xaqiijiyay in labada qof ee lagu toogtay weerar argagixiso oo ka dhacay Brussels habeenimadii Isniinta, iyo sidoo kale dhibbanaha kale ee dhaawacmay, dhamaantood waxay ahaayeen muwaadiniin Swedish ah.

“Calaamadaha oo dhan waxay muujinayaan in tani ay tahay weerar argagixiso oo lagu bartilmaameedsanayo Sweden iyo muwaadiniinta Iswidhishka, sababtoo ah waxay yihiin Swedish, dabiiciyan booliska Belgium ayaa gacanta ku haya baaritaanka, laakiin waa sida ay xaaladda ku qiimeeyaan xilligan,” ayuu yiri.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ra’iisul wasaaraha Belgium, Alexander De Croo, uu u xaqiijiyay subaxnimadii Talaadada in laamaha ammaanka Belgium-ka ay rumeysan yihiin in Lassoued, oo ay booliisku toogteen, kuna dhintay intii loo sii waday isbitaalka, uu keligiis ficil sameeyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More