Ra’iisul Wasaare ku xigeenka oo xarriga ka jaray xarunta dhexe Hay’adda Maareynta Masiibooyinka

Aug. 16 (Jowhar.com)-Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka Saalax Jaamac ayaa maanta xarigga jaray xarunta dhexe ee hay’adda maaraynta musiibooyinka Soomaaliyeed ee SODMA.

Ra’isal wasaare ku xigeenka dalka oo ka hadlay munaasabadda xarig jarka xarunta dhexe ee hay’adda ayaa bogaadiyey mudada kooban ee sanadka ah hawlaha baaxadda leh ee ay hay’addu qabatay isagoo sidoo kale sheegay in wali ay sugayso hay’adda hawl ballaaran, madaama dalka uu ka socda dagaalka Khawaarijta lagula jiro.

Guddoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka Maxamuud Macallin oo ka hadlay munasabadda xarig jarka ayaa isagana ka sheekeeyey marxaladihii kala duwnaa ee ay soo martay hay’adda SODMA mudadii sanadka ahayd ee ay jirtay, isagoo sheegay markuu xilka la wareegay in hay’addu ay ku shaqayneysay xarun kiro ah, maantana ay dagantahay xarun dhexe oo ay iyadu leedahay.

Xafladda xarig jarka oo si heersare loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qaybgalay wasiirka wasaaradda gargaarka iyo arrimaha bini’adinmada Koofur Galbeed mudane Cabdinaasir Caruush, wakiillo ka socday hay’adda UNDP oo ah hay’adda dhistay xarunta SODMA iyo maamulka kala duwan ee Hay’adda.

Bishii August ee sanadkii hore ayey dowladda Soomaaliya dib u hawlgalisay hay’adda maaraynta musiibooyinka, si dalka looga badnaadiyo macluul iyo abaara baahsan oo dalka markaa ka jirtay, waxaana hay’addu ay kaalin wayn ka qaadatay badbaadinta kumanaan Qoys oo Soomaaliyeed, kuwaas oo macluul qarka u saarnaa, iyadoo waqti ku haboon kaga jawaabtay baahiyaha xaaladaha bini’aadanimo ee dalka ka jira.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More