Ra’iisul Wasaare ku xigeenka oo xilalka u kala wareejiyay wasiiro

April 17 (Jowhar.com)-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda JFS Mudane Salah Jama, ayaa xilalka uu kula wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Mudane Maxamed Aadan Macallin (Soomaali) iyo Wasiirkii hore ee Wasaaradda Mudane Jaamac Xasan Khaliif.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo ku bogaadiyey Wasiirkii hore ee Wasaaradda shaqadii uu Qaranka u soo qabtay, ayaa tilmaamay in dal uusan horumar gaari karin haddii uusan lahayn adeeg teknolojiyadeed oo casri ah, lana jaanqaadaya dunida, kaas oo kaalin weyn ka qaata horumarinta dhinacyada caafimaadka, waxbaashada, dhaqaalaha iyo adeegyada bulsho ee ay dowladdu gaarsiineyso dadka Soomaaliyeed.

Mudane Saalax ayaa sheegay in Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ay muddo yar ku sameysay horumarro waa-weyn oo ay kamid yihiin sameynta shuruuc iyo siyaasado Qaran oo horseedaya qorshe isbddel oo la jaanqaadaya dunida casriga ah.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xilalka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame iyo Wasiirkii hore ee Wasaaradda Mudane Jaamac Cabaas Taqal.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa uga mahadceliyey Wasiirkii hore shaqooyinkii uu Qaranka u soo qabtay, isaga oo kula dardaarmay Wasiirka cusub ee xilka la wareegay in uu ka shaqeeyo sidii ay shacabka Soomaaliyeed u heli lahaayeen biyo nadiif ah iyo koronto jaban.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More