Ra’iisul wasaare kuxigeenka dalka oo amar dul dhigay wasiirada ku jira guddiga Qaran ee gurmadka Abaaraha.

August 30 (Jowhar.com)-Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama, ayaa dar dar galinaya howlaha la xiriira sidii deg deg wax looga qaban lahaa abaarta ka jirta qeybo kamida dalka.

Mr. Saalax ayaa maanta kulan la qaatay Wasiiradda xubnaha ka ah Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha iyo xubno ka tirsan Dalladda Ururrada aan dawliga ahayn, isaga oo ka dhagaystay xogihii ugu danbeeyey ee la xiriira saamaynta abaartu ku yeelatay dalka.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka, ayaa faray in howllaha gurmadka abaaraha la dedejiyo, maadaama abaartu ku sii fidayso deegaanno hor leh, dadka ay abaartu saamaynta ku yeelatayna u baahan yihiin in gurmad lala gaaro.

Abaarta oo la rumeysan yahay inay ka dhalatay isbeddelka cimilada ee dunida ayaa ku dhufatay malaayiin Soomaali ah, waxaana laga cabsi qabaa in sanadkii shanaad ay roobabku baaqdaan, ayna ka dhashaan gaajo, cudurro, iyo barakac.

Hay’adaha gargaarka fidiya ayaa sheegaya in in ka badan 800 kun oo qof ay ka barakaceen guryahoodii tan iyo bilowgii sannadkii hore, abaarta darteed, halka dadka ay waajahayso gaajada oo ahaa wax ka yar shan milyan haatan laga cabsi qabao inay kor u dhaafto toddoba milyan bilaha soo socda

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More