Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Baydhabo

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koofur Galbeed.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ah kii u horreeyay ee gudaha dalka, tan iyo markii loo magacaabay xilka 17 bishii December.

Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen iyo mas’uuliyiin kale ayaa soo dhoweeyay wafdiga Ra’iisul Wasaaraha, waxaana loo galbiyay xarunta Madaxtooyada.

Ujeedka safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa la xiriira dardar gelinta howlaha doorashooyinka, waxaana la filayaa in safaro kale uu ku maro gobolada dalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More