Ra’iisul Wasaare Rooble oo dalka dib ugu soo laabtay

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdigi uu hogaaminayay ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib markii ay ka qeybgaleen shir arrimaha waxbarashad loogaga hadlayay oo ka dhacay magaalada London.

Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa markale ka tacsiyeeyay qaraxii argagixisadu shalay koox ciyaartooy ah Kismaayo kula beegsadeen, isagoo ka warbixiyay socdaalkiisii London.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxda dowlad-goboleedyada ku boorriyay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan qabashada doorashooyinka labada aqal Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Waxaa uu ra’iisul wasaaruhu shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan laamaha Ammaanka si looga hortaggo falalk Amni daro oo inta badan ka dhaca qeybo ka mid ah gobolada dalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More