Ra’iisul Wasaare Rooble oo dalka dib ugu soo laabtay

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib booqasho qaadatay labo cisho oo uu ku tagay dalka Masar.

Booqashada Ra’iisul Wasaare Rooble ee Masar ayaa ujeedkeeda ahaa xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Masar, kordhinta deeqaha waxbarasho, fududeynta socdaalka, ganacsiga iyo maalgashiga.

Mudadii koobneyd ee uu booqashada ku joogay Ra’iisul Wasaare Rooble magaalada Qaahira waxa uu xariga ka jaray dhisme lagu kordhiyay safaarada ay dowlada Soomaaliya ku leedahay dalka Masar.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More