Ra’iisul Wasaare Rooble oo gurigiisa ku booqday Madaxweynihii hore Cabdiqaasim Salaad

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xusseen Rooble ayaa caawa hoygiisa magaalada Qaahira ku booqday madaxweynihii hore ee dalka mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan oo uu uga mahadceliyay doorkiisii dowlad dhiska Soomaaliya iyo kaalintiisa odaynimo.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa warbixin ka siiyay Madaxweynihii hore xaaladda dalka guud ahaan, gaar ahaan howlaha doorashooyinka, isagoo ka dhageystay talooyin iyo tusaalooyin dhaxalgal ah oo quseeya dib u dhiska Soomaaliya iyo nabadeynta dalka.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta booqday xarunta jamacada Carabta halka uu kulan la qaatay Sheikha Al Azhar Dr. Axmed Altayib oo uga mahadceliyay doorka Al-Azhar ee faafinta fahamka saxda ah ee diinteenna suubban, iyagoo sidoo kale ka wada hadlay kordhinta fursadaha waxbarashada ee la siiyo ardayda Soomaaliyeed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More