Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka hadlay dagaaladii ka dhacay Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay dhibaatadii ka dhacday Muqdisho ee lagu khalkhal gelinayay amniga iyo nabadda ee magaalada Muqdisho, isagoo faray Ciidamada Amniga inay waajibaadkooda Qaran gutaan oo ay dhowraan amniga shacabka iyo ka hortagga wax kasta oo dhibaato keeni karta.

“Waxaa farayaa cid walba in nabadda la ilaaliyo oo la wada dhowro, bulshadana loo turo, dowladdu waxay aaminsan tahay in wada hadal iyo is afgarad uu yahay jidka ugu habboon ee wax kasta lagu xalin karo, howshaas oo aan bilaabay anigoo rajeynaya in aan ku guuleysanayo, waxaan ugu baaqayaa shacabka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan inaan ka wada shaqeyno xasilloonida iyo nabadgelyada dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho”ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaaladii shalay ilaa iyo xalay Ciidamada dowladda iyo kuwa Maiteriga ee kasoo horjeeda muddo kororsiga Farmaajo ku dhexmaray degmooyinka Cabdicaiis, Howlwadaag, Hodan iyo xaafaddo kale oo ka tirsan Gobolka Banaadir.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More