Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka hadlay doorashadii kuraasta Golaha Shacabka

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay doorashadii ugu horeysay ee baarlamaanka 11aad ee maanta lagu doortay labo xildhibaan magaalada Muqdisho.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inuu ku faraxsanahay in doorashadii xildhibaannada Golaha Shacabku ay maanta si rasmi ah u bilaabatay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu ugu baaqay dowlad goboleedyada inay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan doorashada golaha shacabka.

“Waxaan dowlad-goboleedyada ka codsanayaa in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan doorashada Golaha Shacabka, anigoo rajeynaya in howlaha doorashooyinku guul noogu soo dhammaadaan.”ayuu yiri Rooble.

Sidoo kale ra’isul Wasaaraha ayaa u hambalyeeyay labada xildhibaan ee lagu soo doortay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyay labada xildhibaan in uu Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda cusub ee loo doortay.

Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo Biixi IImaan Cige ayaa maanta loo doortay xubinnimada Golaha Shacabka ee BFS.

By Abdiaziz Golfyare
Editor in Chief

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More