Ra’iisul wasaare Rooble oo ka qayb galay munaasabad tababar loogu soo xirayo hablo ka tirsan booliska Haramcad

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galaya munaasabad tababar loogu soo xirayo gabdho ka tirsan ciidanka Haramcad ee booliska Soomaaliyeed isla markaana derajooyin loogu xirayo saraakiil tababar layli sarkaal ku soo qaadatay dalka Masar,

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Tababar u Soo Xiray gabdho ka tirsan ciidanka Haramcad ee booliska Soomaaliyeed, isla markaana derajooyin loogu xirayay saraakiil tababar layli sarkaal ku soo qaatay dalka Masar.

Ra’iisul Wasaare Rooble” Waxaan hambalyeynayaa gabdhaha ka tirsan Ciidanka Haramcad ee Booliska Soomaaliyeed ee tababarku u soo dhammaaday iyo saraakiisha tababarka layli sarkaal ku soo qaatay dalka Masar.

Boolisku waa udub dhexaadka Ciidammada Qalabka sida, waana cudud fulinta sharciga, sugidda amniga iyo dhowrista nidaamka dowladnimada ku leh kaalinta ugu weyn.”

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More