Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku booqday afhayeenka Xukuumada Isbitaal Digfeer

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa Isbitaalka Digfeer ku booqday Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu oo loogaga daweynayo dhaawac ka soo gaaray qof naftii halige ah oo maanta qarax la beegsaday gaari uu la socday.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la sheekeystay Macalimuu oo xaaladdiisu soo hagaageyso, waxaana uu Alle uga baryay inuu caafimaad deg deg ah siiyo, kana soo kabsado dhibka gaaray.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka dhagaystay warbixinta xaalada caafimaad ee Afhayeenka Maamulka iyo dhakhaatiirta ku howlan wax u qabashada Maxamed Ibraahim Nuur.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More