Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan la qaatay madaxweyne ku-xigeenka dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho rasmi ah ku jooga Dalka isku-tagga Imaaraadka Carabta ayaa maanta magaalada Dubai kula kulmay madax ka tirsan Dowlada Imaaraadka Carabta.
Maxamed Xueen Rooble Ra’iisul Wasaaraha dowlada Soomaaliya oo shalay gaaray magaalada Abu Dhabi ayaa madaxda uu la kulmay maanta waxaa ka mid ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ahna Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Mudane Maxamed Bin Rashid Ala-Maktoum,Wasiirka Gaashaandhigga iyo Amiirka Imaarada Dubai Sheikh Mohamed Bin Rashed Al-Maktoum, iyaga oo ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo iskaashiga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ayaa waxa Safarkiisa ku wehliya Wasiiradda Waxbarashada,Dastuurka iyo Amniga.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More