Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka UK ee Soomaaliya oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo habsami u socodka iyo amniga doorashooyinka dalka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaaruhu.

Dhinaca kale Iyadoo uu heer gebogebo ah marayo u diyaar garowga doorashada Aqalka Sare ee Xildhibaannada Gobollada Woqooyi (Somaliland), ayuu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mas’uuliyiintan ku boorriyay in ay soo gudbiyaan liisaska musharaxiinta Aqalka Sare, isagoo u xaqiijiyay in uu gacan ku siinayo in doorashadu ku dhacdo si hufan oo caddaalad ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More