Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Danjiraha Midowga Yurub iyo Ergeyga Norway

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulammo goonni goonni ah maanta la yeeshay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga & Ergayga gaarka ah ee Norway Heidi Elburgi Johansen.

Ma jiro faahfaahin dheeri ah oo ka soo baxday kulamada maanta uu ra’iisul wasaaruhu la yeeshay ergeyga Midowga Yurub iyo wakiilka dowlada Norway ee dalka Soomaaliya.

Hase yeeshee waxaa ay sheegayaan qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in kulankan loogaga wada hadlay arrimaha doorashooyinka dalka.

Dowlada Soomaaliya ayaa haatan raadineysa dhaqaalihii ku bixi lahaa doorashada dalka iyadoo la filayo in dhawaan dalka ay ka dhacdo doorasho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More