Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay madaxda hay’ada Bisha Cas ee Imaaraadka

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Abu Dhabi kula kulmay hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta iyo hay’adaha samafalka ee dalkaas oo uu kala hadlay sidii gargaar deg deg ah loola soo gaari lahaa shacabka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Madaxda hay’addaha gargaarka uu la kulmay Ra’isul Wasaare Rooble ayaa dhankooda sheegay in ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan ololaha loogu gurmanayo walaalahooda Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa abaarta saameesay.

Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa weil booqasho ku jooga wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta isagoo kulamo kala duwan la yeeshay madaxda Imaaraadka Carabta.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More