Ra’iisul Wasaare Rooble oo maanta soo xiray Madasha sanadlaha ah ee Aragti Wadaagga Heritage

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta soo xiray Madasha sanadlaha ah ee Aragti Wadaagga Heritage oo lagu qabtay dalka Djibouti taas oo sanadkan looga doodayay xasaradaha Geeska Afrika iyo sidii xal loogu heli lahaa.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho ku jooga dalka Djibouti ayaa la kulmay madaxweynaha Jamhuiriyadda Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa madaxweyne Geelle uga mahad celiyay kaalintiisa nabadeynta iyo dowlad dhiska  Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More