Ra’iisul Wasaare Rooble oo magacaabay Agaasimayaal cusub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Agaasimeyaal cusub u magacaabay Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Caafimaadka.

Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaare Rooble Maxamed Xuseen Rooble ayaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga loogu magacaabay Xasan Maxamed Saciid Samatar.

Sidoo kale, Rooble ayaa Agaasimaha duud ee Wasaaradda caafimaadka & daryeelka Bulshada loo magacaabay Cabdinaasir Mukhtaar Ibraahim.

Wareegtadan ayaa soo baxday xilli dhowaan uu Ra’isul Wasaaruhu ka mamnuucay wasiirada inay xilal magacaabaan iyagoo aan la tashan ra’iisul Wasaaraha,waxayna magacaabistan ku soo beegantay xilli maalmihii la soo dhaafay la sheegayay in wasaarada warfaafinta ay isbedel ku sameyneyso waaxyaha wasaarada iyo weliba agaasimaha guud.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More