Ra’iisul wasaare Rooble oo magacaabay guddiga fulinta ee ilaalinta dhulka danta guud

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa magacabay guddiga fulinta wareegtadii madaxweynaha ee ilaalinta dhulka danta guud.

Guddiga Fulinta ee uu Ra’iisal wasaare Rooble uu magacaabay ayaa ka kooban afar Wasiir oo ka tirsan golaha wasiirada XFS, waxa ayna kala yihiin.

Wasiirka Arimaha: Gen. Mukhtaar Gudadaha Gudoomiye
Wasiirka Cadaaladda: Cabduqaadir Maxamed Nur
Wasiirka Amniga: Cabdulaahi Maxamed Nur
Wasiirka Waxbarashada: Cabdulaahi Carab.

Dhawaan ayaa Madaxweyne Farmaajo Xeer uu soo saaray waxaa lagu joojiyey heshiis kasta oo ku saabsan kala wareejinta, iibka, kireynta iyo qaab kasta oo la xiriira ka macaashka dhulka danta-guud, inta laga soo dhammeystirayo xeerarka iyo shuruucda Baarlamaan ee hageysa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More