Ra’iisul Wasaare Rooble oo markale la kulmay Madaxweynaha Imaaraadka

May 22 (Jowhar.com)-Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa mar kale maanta la kulmay madaxwaynaha Dowladda Isutagga Imaaraadka Sheikh Maxamed Bin Zayid Al Nahyaan.

Kulankaan oo ka dhacay Guriga Madaxwaynaha ayay labada mas’uul uga wada hadleen iskaashiga labada dal iyo sidii dawladda Imaaraadku u xoojin lahayd taageerada ay siiso Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Khamiistii soo gaaray Abu Dhabi ayaa madaxda ugu sarreysa Imaaraadka la lahaa kulammo diiradda lagu saarayay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka walaalnimo ee labada dal ee walaalaha ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More