Ra’iisul Wasaare Rooble oo Mas’uuliyiin kula tukaday Masjidka Madaxtooyada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa boqolaal shacab iyo mas’uuliyiin ah kula tukaday masjidka ku yaal gudaha madaxtooyada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa shacabka ugu baaqay in la caawiyo dadka masaakiinta ah, lagana wada shaqeeyo amniga dalka si bulshada Soomaaliyeed ay ugu wada ciidaan farxad iyo damaashaad.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Maalinta Koobaad ee Ciidul Fitriga, isaga oo u rajeeyay in sanadkaan sankiisa kale ay ku gaaraan Bashbash iyo Barwaaqo.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu baaqay Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho inay Ciidamada kala Shaqeeyaan sugida amniga dalka.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More