Ra’iisul Wasaare Rooble oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabada ciidda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Ciidda Soonfur, ugna baaaqay inay is caawiyaan, nabaddana laga shaqeeyo.

“Waxaan Shacabka Soomaaliyeed iyo Guud ahaan Ummadda Islaamka ugu hambaleyeynayaa munaasabadda Ciidda Soonfur.

Waxaan Eebbe ka baryayaa in uu nabad, caafimaad iyo horumar nagu gaarsiiyo sanadkan sanadkiisa CIID WANAAGSAN. كل عام وأنتم بخير.”. ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Dalka Soomaaliya ayaa maalinta berri ah waxaa laga ciidayaa ciidul Fitriga iyadoo sidoo kale wadamada caalamka laga ciidayo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More