Ra’iisul wasaare Rooble oo shir ku saabsan walaaca doorashada xildhibaanada kula jiro midowga musharixiinta

Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa haatan waxa uu kulan kula jiraa xubnaha midowga musharixiinta, waxaana fadhigan looga arinsanayaa tabashooyinka maalmahan mucaaradka ay ka keeneen hanaanka ay u socoto doorashada xildhibaanada.

Xubnaha kulanka fadhiya waxaa kamid ah madaxweynayaashii 7-aad iyo 8-aad ee dalka, C/raxmaan C/shakuur Warsame, Shariif Xasan Sheekh Aadan,Daahir Maxamuud Geelle iyo C/Kariin Xuseen Guuleed, halka Rooble ay wehlinayaan Wasiirka Amniga C/llaahi Maxamed Nuur iyo Wasiir Kuixgeenka Warfaafinta Al-Cadaala.

Qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu xaqiijiyay kulankan, iyadoo lagu sheegay in laga arinsanayo arrimaha doorashooyinka dalka iyo  Daahfurnaanta hannaanka doorashada Dalka.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la leh Golaha Midowga Musharraxiinta oo ay ka wada hadlayaan arrimaha doorashooyinka dalka iyo  Daahfurnaanta hannaanka doorashada Dalka” waxaa sidaas lagu soo qoray bogga xafiiska Rooble.

Sabtidii shalay, Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa bayaan ay soo saareen waxay ku sheegeen in aysan aqbali doonin boobka ku socda doorashooyinka dalka, iyagoo doorashada deegaanada qaar ku qeexay isku ‘awood sheegasho aan loo marin’ habraacyadii loo dejiyey doorashada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More