Wednesday, June 24, 2026
Home NEWS Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray magaalada Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray magaalada Dhuusamareeb

55

Jun 24(Jowhar)-Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, halkaas oo uu kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo mas’uuliyeen kale oo isugu jiro heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

Ujeedka safarka Ra’iisul wasaaraha ayaa la xiriira sidii loo dhammeyn lahaa geedi socodka doorashooyinka, wuxuuna kulamo la qaadan doonaa Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo qaar ka mid ah ma’uuliyiinta maamulka Galmudug.

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay, iyada oo ciidamo dheeraad ah la dhigay meelaha muhiimka ah ee Dhuusamareeb, si ay u sugaan amniga guud.

Waxaa sidoo kale, magaalada haatan ku sugan Agaasimaha Hay’adda NISA, Mahad Salaad iyo mas’uulyiin kale oo ka tirsan dowlada federalka