Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Guddiga qabanqaabada Maalmaha Xoriyada Dalka

Jun. 06 (Jowhar.com)-Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay guddiga Qaban-qaabada Xuska Sanad guurada 63aad ee maalmaha xorriyadda oo ka kooban siddeed Wasiir iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Guddigan ayaa waxaa guddoomiye u ah Wasiirka Arrimaha Arrimaha Gudaha Axmed Macalin Fiqi.
Xubnaha guddigaan ayaa waxaa ay Shaqadooda noqoneeysaa Xuska Sanad guurada 63aad ee maalmaha xorriyadda oo ku began 26-ka Bishaan June.
Halkan hoose ka Aqriso magacyada guddigan;

1: Axmed Macalin Fiqi Wasiirka Arrimaha Gudaha Guddoomiye

2: Daaโ€™uud Aweys Jaamac Wasiirka Warfaafinta Xubin

3: Maxamed Axmed Sheekh Cali ( doodishe) Wasiirka Amniga Xubin

4: Dr Cilmi Maxamed Nuur Wasiirka Maaliyadda Xubin

5: Maxamed Maxamuud Barre Wasiirka Dhalinyarada Xubin
6: Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Haweenka Xubin

7: Biixi Iimaan Cige Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xubin

8: Xasan Xuseen Maxamed Wasiirka Xanaanada Xoolaha Xubin

9: Yusuf Xuseen jimcaale ( Madaale) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xubin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More