Ra’iisul wasaare Xamse oo amar culus dul dhigay wasiirada cusub.

August 11 (Jowhar.com)-Ra’iisul wasaaraha dowladda Soomaaliya ayaa amar culus dul dhigay wasiirada cusub, saacado yar kadib markii ay la wareegeen xilalka wasaaradaha loo dhiibay.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa faray Xubnaha Wasiirada in aanay sameyn karin magacaabis iyo is bedel Mas’uuliyiinta hey’addaha ay madaxda ka yihiin, ayna waafajiyaan sharciga, isla markaana la tashi kala yeeshaan Ra’iisul Wasaaraha talaabooyinka ay qaadayaan.

Inta badan Wasiirada ayaa marka ay xilka la wareegaan waxaa dhici jirtay inay shaqada ka joojiyaan Mas’uuliyiinta Wasaaradda, sida Agaasimayaasha, taasoo ka dhalan jirtay habacsanaan shaqo iyo is qabqabsi.

Go’aanka Ra’iisul Wasaaruhu soo saaray ayaa u muuqda mid uu ku xakameynayo awoodaha Wasiiraddiisa inay is bedel iska sameeyaan iyagoo aanay la tashan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More