Ra’iisul wasaare Xamse oo Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhismaha wasiiradiisa.

July 27 (Jowhar.com)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay ka soo laabtay socdaal rasmi ah oo uu ku tagay dalka Masar.

Ra’iisul Wasaaraha oo kulamo wadatashi ah maalmahan la lahaa qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxa uu uga xog warramay Madaxweynaha halka ay marayso hawsha dhisitaanka xukuumad tayo leh oo ka jawaabta arrimaha mudnaanta u leh horumarinta bulshada Soomaaliyeed.

Xamse Cabdi Barre ayaa ku guda jira dadaaladiisa u danbeeyay ee magacaabista golihiisa wasiiradda, iyadoo dhawaan golaha shacabka ay ugu dareen mudo 10 cisho ah oo uu ku soo dhiso wasiiradda, maadaama ay ka dhamaatay mudadii 30ka maalin eheyd, 10ka cisho ee loogi daray ayaa ku eg 4ta bisha soo socota ee August.

Sida xogaha la helayo ay sheegayaan, waxaa diyaarsan inta badan liiska golaha wasiiradda, marka laga reebo dhowr wasaaradood iyo xilka ra’iisul wasaare kuxigeenka oo dad badan oo madaxda sare ee dalka kala wataan ay isku heystaan, taasoo la sheegayo iney tahay sababta dib u dhigeysa kudhawaaqista golaha wasiiradda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More