Ra’iisul wasaare Xamze iyo wafdi uu hoggaaminayay oo gaaray Doolow

Nov 20 (Jowhar.com)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamze Cabdi Barre, ayaa kormeer uu ugu kuur galayo xaaladda binu aadantinimo ee ka dhalatay roobabka.

Daadadka wata ee ka da’ay qeybo kamid ah gobollada dalka, waxa uu ku tagey degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee degmada Doolow ku soo dhaweeyey Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan, masuuliyiin ka tirsan dowlad-goboleedka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Doolow.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More