Ra’iisul Wasaare Xamze oo gaaray magaalada Aadan Yabaal

Dec. 14 (Jowhar.com)-Wefdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha Xamze Barre ayaa gaaray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada dhexe oo ka mid ah magaalooyinka dhawaan ay la wareegeen ciidamada dowlada iyo kuwa deegaanka.

Wefdiga waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay magaalada Aadan Yabaal Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Xuseen iyo saraakiisha ciidamada.
Ra’iisul wasaaraha ayaa kulamo la yeelanaya madaxda dowlad goboleedka Hirshabelle iyo saraakiisha ciidamada ee ku sugan Aadan Yabaal.

Wafdiga ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Wafdiga uu horkacayo ra’iisul wasaare Xamze ayaa ah kii ugu horeeyay ee ka socda xukuumada federalka oo gaara magaalada Aadan Yabaal ee gobolka Sh/dhexxe tan iyo markii ay ciidamada dowlada iyo kuwa deegaanka ay dagaal la’aan kula wareegeen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More