Thursday, April 2, 2026
Home NEWS Ra’iisul wasaare Xamze oo magacaabay Hoggaamiyaha KMG-ka ah ee Koofur Galbeed

Ra’iisul wasaare Xamze oo magacaabay Hoggaamiyaha KMG-ka ah ee Koofur Galbeed

150

Apr 01(Jowhar)-Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa wareegto uu caawa soo saaray ku magacaabay hoggaamiyaha KMG ee maamulka Koonfur Galbeed, kaas oo sii wadaya shaqada muhiimka ah ee ka socotay maamulkaas.

Raysal Wasaare Ku Xigeenka 2aad Jibriil Cabdirashiid ayaa loo magacaabay  hoggaamiyo maamul xil-gaarsiin ah oo la wareego maaraynta xilliga kala guurka ah ee Koonfur Galbeed.

Inkastoo Jibriil uu matalaadda Golaha Shacabka kasoo galay Degmada Ceelwaaq ee Dowlad Goboleedka Jubaland, haddana wuxuu kasoo jeedaa Beesha Garre oo kamid ah qabaa’ilka Digil. Go’aankan ayaa ku qotoma in meesha laga saaro loollanka u dhaxeeya Beelaha Mirifle.

Inkasta oo go’aanka la isku raacay, haddana waxaa jira dhinacyo ka biyo diidsan, waxayse u badan tahay in la qanciyo marka wafdigu gaaro Baydhabo.