Ra’iisul wasaare Xamze oo magacaabis iyo xil ka qaadis cusub sameeyay

0
145

Nov 18(Jowhar)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamze Cabdi Barre, ayaa magacaabay Maareeyaha Guud ee Arrimaha Maamulka iyo Amniga Garoonka Muqdisho iyo Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa markii uu arkay aqoonta iyo waayo-aragnimada ay u leeyihiin masuuliyiintani shaqooyinka loo idmaday waxa uu u magacaabay:

• Mudane Cabdinaasir Maxamuud Gurey: Maareeyaha Guud ee Arrimaha Maamulka iyo Amniga ee Garoonka Aadan Cadde.

• Mudane Cabdalla Xasan Cali: Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS.