Ra’iisul wasaare Xamze oo Muqdisho ka furay shir ay isugu yimaadeen Culimada

Oct 31 (Jowhar.com)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamze Cabdi Barre oo maanta furay shir looga hadlayo Doorka Culimadu ay ku leeyihiin taaba-gelinta nabadda iyo dib-u-heshisiinta, ayaa xusay in culimada Soomaaliyeed ay laf dhabar u yihiin baraarujinta bulshada iyo ciribtirka afkaarta qalafsan ee Khawaarijta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa carrabka ku adkeeyey sida ay muhiim u tahay in aqoonyahannada Soomaaliyeed ay hormuud uga noqdaan difaaca dalka iyo dabargoynta fikradaha argagixisada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa hoosta ka xariiqay in dhibaatooyinka kala duwan ee Soomaaliya dib u dhigay lagaga gudbi karo wadashaqeyn buuxda oo ay yeeshaan shacabka, culimada, indheer-garadka iyo dowladda, wuxuuna si gaar ah ugu baaqay culimadu in ay doorkooda ka qaataan dib-u-heshiisiinta, xasillinta, dowlad-dhiska iyo dhammeystirka dastuurka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in argagixisada laga wiiqay dhowr jiho oo ay kamid yihiin dhinacyada ciidanka, dhaqaalaha iyo fikir,ba taas oo horseedday in deegaanno iyo dhul ballaaran oo ay ku dhibaateyn jireen shacabka Soomaaliyeed maanta ay xor yihiin, inta harsanna weli lagu sii raad-joogo.

Shirka oo ay soo qaban-qaabisay Xarunta Cilmi Baarista iyo Daraasaadka ee Maqaasid, ayaa waxaa ka soo qayb galay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yusuf Axmed, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda, culimo, Aqoonyahanka Soomaaliyeed iyo wufuud ka kala socotay dalalka Carabta iyo dowladdaha dariska ah.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More