Ra’iisul wasaare Xamze oo safar ugu ambabaxay magaalada Mahadaay

Aug 30 (Jowhar.com)-Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow u safrat degmada Mahadaay ee gobolka Sh.dhexe, iyadoo ra’iisul wasaaraha uu halkaasi ka wadi doono abaabulka dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Mr. Xamze ayaa sidoo kale la hadli doono ciidamadda xoogga dalka iyo saraakiishooda oo uu kula dardaarmi doono sii wadista dagaalka dalka looga xoreynayo kooxdan oo la filayo in dhawaan lasoo afjaro wajiga koowaad ee dagaalkaasi.

Waxa uu sido kale wasiirka koowaad ee xukuumada u kuur gali doonaan qiimeeynna ku sameynayaa xaalka nololeed ee deegaanada kooxdaasi laga xoreeyay mudooyinkii lasoo dhaafay.

Safarkiisa ayaa imanayo xili mudo bil ah uu magaalada Dhuusa-mareeb ku sugan yahay madaxweyne Xasan Sheekh oo halkaasi ka sameystay talis laga hago howlgalada kooxdaasi dalka lagaga ciribtirayo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More