Ra’iisul wasaare Xamze oo si lama filaan ah uga hadlay Ismiidaamintii Jaale Siyaad
July. 26 (Jowhar.com)-Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xamze Cabdi Barre ayaa si lama filana ah uga hadlay Ismiidaamintii Isniintii Shabaab ay ka fulisay xerada ciidanka Jaale Siyaad, halkaasoo ay ku dishay askar 30 gaareysa, halka kudhowaad 100 kalena lagu dhaawacay.
Ra’iisul wasaare Xamze oo khudbad u jeedinayay jaalyada Soomaaliyeed eek u nool dalka Tanzania waxa uu sheegay inuu ka tacisyadeynayo weerarkaasi oo culeys uu kasoo gaaray qaar kamid ah ciidanka Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.
“Waxaan rabaa inaa ku bilaabo tacsi aan u dirayo geesiyadeenii shalay ee dhibaatadu ku dhacday ee nimankii fuleeyada ahaa mid kamid ahi uu isku dhex qarxiyay, deedna uu culeys kasoo gaaray qaar kamid ah Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed” ayuu yiri.
Xamze Cabdi Barre oo aan marnaba soo hadal qaadin wax talaabo ah oo ay xukuumadiisa arrintaasi ka qaadeyso ayaa tilmaamay iney wax laga xumaado tahay weerarkaasi oo ka dhex dhacay gudaha xerada Jaale Siyaad oo xiliga qaraxa lagu feynalayay ciidanka 14-ka October ee laga keenay gobolka Sh.hoose.
“Arrintaan waaa arrin laga xumaado waa fuleynimo aan horay uga soo baranay nimankaas ee dhibka badan” ayuu mar kale ku yiri Khudbaddiis ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.