Ra’iisul wasaare Xamze oo u duulay dalka Jabuuti kadib casuumaad uu ka helay dhigiisa.

Nov. 08 (Jowhar.com) -Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre iyo wafdi hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Jabuuti.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu joogo Jabuuti waxa uu kulamo ku saabsan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada waddan uu la yeelan doonaa madaxda Jabuuti.

Waa safarkii u horeeyay uu ra’iisul wasaaraha ugu ambaboxo dalkaasi Jabuuti tan iyo markii xilka loo magacaabay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More