Ra’isul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta oo shir uga furmay Hotel Decale

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Midowga Musharaxiinta ayaa goor dhow uu shir ugaga furmay Hoteelka Decale ee Muqdisho.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ah inta badan xubnaha Midowga Musharaxiinta oo uu ugu horeeyo guddoomiyaha Midowgaas Shariif Sheekh Axmed.

Shirkaan oo ah midkii Saddexaad, waxaa looga hadlayaa xaaladda Siyaasadda dalka gaar ahaan khilaafka ka jira doorashooyinka dalka.

Ra’isul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta ayaa hore u yeeshay labo kulan oo arrimihii ugu badnaa ee loogaga hadlay ay ahaayeen banaanbaxa ay midowga musharaxiinta ku baaqeen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More