Ra’isul Wasaare Rooble oo la kulmay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoygiisa ku booqday madaxweynihii hore ee dalkaXasan Sheikh Maxamuud oo ka mid ah musharaxiinta xilka madaxweynaha dalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxweynihii hore ayaa kulankooda waxa uu ahaa kii ugu horeeyey ee ay yeeshaan tan iyo markii uu dalka dib ugu soo laabtay Ra’iisul Wasaare Rooble oo maalmihii la soo dhaafay safar ugu maqnaa wadanka Boqortoyada Sacudi Carabiya.

Kulankan ayaa loogaga wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin amniga guud , xasilloonida caasimadda iyo arrimaha doorashooyinka dalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa bilaabay kulamo la xiriira sidii loogu guuleysan lahaa dadaalada uu ku doonayo in dalka ay doorasho ka dhacdo.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More