Rasaas laga maqlayo Kharduum kadib Xabad joojin lagu dhawaaqay

Apr. 18 (Jowhar.com)-Rasaas ayaa laga maqlay caasimadda Suudaan ee Khartoum kadib 6dii maqribnimo markaasoo ay ahayd in ay bilaabato xabbad joojin ka dib dagaal maalintii afraad si xiriir ah uga dhex socday xoogagga iska soo horjeeda, sida ay dad goobjoogayaal sheegeen.

Dhinacyada ku dagaalamaya Suudaan ayaa sheegay in ay ka go’an tahay xabbad-joojin 24 saac ah oo ay ku heshiiyeen goor hore oo maanta ah. “Waxaan aad u daneyneynaa inaan dhaqan gelino xabbad joojinta oo aan soo celinno noloshii caadiga ahayd ee magaalada. Laakin RSF waa maleeshiyo aan waxba ixtiraamin,” Colonel Khaled Al-Akida, oo ah afhayeenka howlgalka ciidanka, ayaa u sheegay saxaafada.

Dhanka kale, Ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF) ayaa sheegay inay ilaalin doonaan qaybtooda heshiiska xabbad joojinta.
Ugu yaraan 270 qof ayaa ku dhintay in ka badan 2,600 oo kalena way ku dhaawacmeen qalalaasaha, sida ay sheegeen saraakiisha Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) oo soo xiganaysa Xarunta Hawlaha Degdegga ah ee Wasaaradda Caafimaadka Suudaan.

Ciidamo hubeysan ayaa weeraray guryaha shaqaalaha Qaramada Midoobay iyo shaqaalaha hay’adaha kale ee caalamiga ah ee ku yaalla bartamaha magaalada Khartoum, sida lagu sheegay warbixin gudaha dukumeenti Qaramada Midoobay ah oo ay aragtay warbaahinta CNN.
Sida ku cad dukumentiga, dableyda ayaa faraxumeyn u geystay haween, waxaana ay dhaceen alaab ay ku jiraan baabuur.

“Khartum gudaheeda ciidamo hubeysan oo lebisan, oo la sheegay in ay ka tirsan yihiin RSF, ayaa galaya guryaha ajaanibka, iyagoo kala saaraya ragga iyo dumarka oo kaxeynaya,” ayaa lagu yiri warbixinta. Hal dhacdo oo kufsi ah ayaa sidoo kale la soo sheegay.

RSF ayaa beenisay wararkaas, iyadoo sheegtay inaysan marnaba weerarayn shaqaale ama shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay balse ay yihiin kuwa weeraradaa ka dambeeya ciidamada dowlada oo soo xirtey dareeska RSF.

Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan (SAF) ayaa beeniyay in ciidamadooda ay ku lug lahaayeen xadgudubyada waxayna tilmaameen bayaan hore oo la xiriira dambiyada ka dhanka ah aadanaha ee lagu eedeeyay ciidamada RSF.

In ka badan saddex maalmood, ardayda Jaamacadda Khartoum ayaa ku go’doonsan gudaha dhismayaasha jaamacadda iyadoo madaafiic iyo rasaas ay hareerahooda ka dhacaysay caasimadda Suudaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More