Recep Erdogen oo ku tilmaamay Duqeynta Qaza Xasuuq

Oct 11 (Jowhar.com)- Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in go’doominta iyo duqeynta Israa’iil ay ku hayso Qaza oo ay uga aargoosanayso weerarka Xamaas ay ahayd jawaab celin aan loo meel dayin oo u dhiganta xasuuq.

Erdogan wuxuu sheegay in xitaa dagaalku uu leeyahay anshax, laakiin soo ifbaxa tan iyo usbuuca dhamaadkii inuu yahay mid jebiyay anshaxa dagaalka.

“Ka hortagga dadka inay daboolaan baahiyahooda aasaasiga ah iyo duqaynta guryaha ay ku nool yihiin dadka rayidka ah,marka la soo koobo, in la sameeyo colaad iyadoo la adeegsanayo hab kasta oo ceeb ah, maaha dagaal, waa xasuuq,” ayuu yiri Erdogan, isaga oo tixraacaya Israa’iil oo ka jartay korontada iyo biyaha Gaza iyo burburinta kaabayaasha dhaqaalaha ay ku hayso.

Erdogan waxa uu dhaleeceeyay weerarrada is-miidaaminta ah ee Israa’iil ee Gaza oo uu ku tilmaamay mid ka baxsan aasaas kasta oo anshaxeed, wuxuuna ugu baaqay caalamka in aysan indhaha ka qarsan.

Dhimashada Gaza ee duqeynta Israel ayaa gaartay 1,100, tirada guud ee dadka dhaawacmay ay hadda marayso 5,339. sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas.

Dhinaca kale Masar ayaa kala hadashay Maraykanka iyo dalalka kale qorshe gargaar bini’aadannimo lagu gaarsiinayo xadka ay la wadaagto Marinka Qaza iyadoo la adeegsanayo xabbad-joojin xaddidan, sida ay wakaaladda wararka ee Reuters u sheegeen laba ilo-wareed oo dhanka ammaanka Masar ka tirsan.

Gargaarka ayaa ka gudbi doona xadka Rafah ee u dhexeeya Gaza iyo Gacanka Siinaay ee Masar.
Garabka militariga Xamaas ee al-Qassam Brigades ayaa ku dhawaaqay in ay gantaallo la beegsanayaan garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion ee Israa’iil si ay uga jawaabaan beegsiga ay Israa’iil ku hayso dadka rayidka ah.

Diyaarada British Airways oo ka duushay London kuna socotay Tel Aviv ayaa dib loogu celiyay Britain, kadib markii ay ku dhawaatay inay gaarto Tel Aviv.

Afhayeen u hadlay shirkadda ayaa sheegay in ay u qaateen go’aanka ah in diyaarada lagu celiyo Heathrow sababo dhanka ammaanka ah.

Ka dib markii duulimaadka la weeciyay, maamulka garoomada diyaaradaha ee Israel ayaa xaqiijiyay in ay jiraan gantaallo ku dhacay meel u dhow Tel Aviv.
British Airways ayaa hadda sheegtay inay hakisay dhammaan duulimaadyadii ay ku tagi jirtay Tel Aviv.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee UK James Cleverly ayaa booqasho ku tagay magaalada Ofakim ee koonfurta Israa’iil markii seeriga uu hawada ka baxay isagoo ka digaya gantaal ay Xamaas soo ridayaan.

Xoghayaha arrimaha dibadda ayaa Arbacadii gaaray Israa’iil. Waxa uu la kulmayaa dadkii ka badbaaday weeraradii Xamaas iyo madaxda sare ee Israa’iil.

Britain oo ay wehliyaan dalal kale oo reer Yurub ah ayaa taageero u muujiyay Israa’iil, waxayna cambaareeyeen weerarradii Xamaas ee todobaadkii hore.

UNRWA, oo ah hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin, ayaa sheegtay in sagaal ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay lagu dilay duqeynta Israel ee Gaza tan iyo Sabtidii.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More