Reysal wasaare Xamse Cabdi Barre oo magacaabay xubno katirsan golaha wasiirrada

Apr 07 (Jowhar.com)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa magacaabay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ee xukuumadda Soomaaliya.

Liiska xubnaha cusub ee Golaha Wasiirrada ayaa waxaa ay kala yihiin:

Axmed macalin Fiqi oo loo magacaabay wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah.

Cali Yuusuf Cali Xoosh oo loo magacaabay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dib u heshiisiinta.

Gen Cabdullahu Sheekh Ismaaciil Fartaag oo loo magacaabay wasiirka wasaaradda amniga gudaha.

Cabdullahi bidhaan warsame oo loo magacaabay wasiirka wasaaradda tamarta iyo biyaha.

Maxamed Aadan Macalin Wasiirka wasaarada boostada iyo isgaarsiinta iyo tiknoolojiyada.

Iyo Axmed Cumar Maxamed oo loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda bey’ada iyo cimilada

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More