Rooble iyo Safiirka Mareykanka oo kormeeray goobta loo qorsheeyay doorashada Madaxda dalka

Mar 11 (Jowhar.com) -Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre ayaa si wadajir ah u kormeeray hoolka teendhada Afisyooni ee loo qorsheeyay in lagu qabto doorashada madaxtinimo ee dalka.

Kormeerka dhinactadaasi ayaa la xiriiray dib u eegidda dhismaha hoolka doorashada iyo dhameystirka tas-hiilaadka uu u baahan yahay.

Dhowaan ayaa la filayaa in hoolka teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho lagu qabto doorashada madaxweynaha JFS, iyadoo lagu jiro gabagabada xulista xildhibaannada Golaha Shacabka .

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More