Rooble oo dardargelinaya sidii loo dhaarin lahaa xildhibaanada labada Aqal

Mar 31 (Jowhar.com) – Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Guddoonka Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT iyo xoghayeyaasha guud ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee BFS,oo uu kala hadlay qorshaha shahaaddo siinta iyo dhaarinta xildhibaannada.

labada aqal si waafaqsan jadwalkii guddiga FEIT horay u soo saaray.
Maxamed Xuseen Rooble ra’iisul wasaaraha dalka ayaa xalay goob fagaare ah ka sheegay inay ka go’an tahay in horaanta bisha soo socota ay dhacdo dhaarinta iyo shahaado siinta rasmiga ah ee xildhibaanada labada gole ee la soo doortay.

Waxa uu sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble shalay la kulmay xog-hayeyaasha Guud ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee BJFS Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux iyo Cali Maxamed Jaamac oo ay kala qaateen warbixin ku saabsan u diyaar garowga dhaarinta xildhibaannada Labada Aqal.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More